Advertisements

Hay‘adda Caalamiga ah ee carruurta UNICEF oo sheegtay in 1.4 malyan carruur ah ay nafaqo darro heyso.

abaaraha-jpg2

Hay‘adda Caalamiga ah ee carruurta UNICEF ayaa sheegtay in 1.4 malyan oo carruur ah ay nafaqo darro ku heyso 4 dal.

Dalalkaa ayaa kala ah Soomaaliya, Koofur Suudaan, Yemen iyo Nigeria, hase yeeshee Dagaalka Koofur Suudaan ayaa sababay in carruur tiradoodu dhan tahay 462,000 ay nafaqo darro asiibto.

Dagaalka sokeeye ee dalkaasi Koofur Suudaan ayaa iminka socday ku dhawaad 2 sano,sida ay Hay’adda ay sheegtay in   ilaa 450 kun oo carruur ah ayaa iyana nafaqo darro ku heysaa gudaha dalka Nigeria.

Gudaha Soomaaliya abaarta jirta darteed waxaa UNICEF ay sheegtay shalay Isniintii in 185,000 oo carruur ah ay nafaqo darro ku dhacday.

 Sidoo kale bilaha soo socda ayaa la sheegay in carruurta nafaqo darradu heyso ay tiradoodu gaari doonto 270 kun.sidoo kale

Wadamadaa 4ta ah ee kala ah Soomaaliya, Koofur Suudaan, Yemen iyo Nigeria ayaa dhammaantood waxaa kajira colaado iyo abaaro keenay in raashin yari ay ka dhacdo.

SomaliSwiss      Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: