Advertisements

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka qaybgalaya Munaasabad lagu xusayo 47 guurada Aas-aaska ciidanka Asluubta.

Ciidanka Asluubta.jpg2Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalaya Munaasabad lagu xusayo 47-sano guurada ka soo wareegatay aas aaska ciidanka Asluubta.

Munaasabadaan ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, waxaana sidoo ka qaybgalaya taliyaha ciidanka Asluubka iyo ku xigeenadiisa, saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale.

Waxaa lagu wadaa munaasabada inay khudbado ka jeediyaan Taliyaha ciidanka Asluubka iyo Madaxda kale ee uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka JF Soomaaliya ee ka qaybgalaya xuska ciidanka asluubta dalka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: