Advertisements

Suuq Ganacsi oo ku yaalla Degmada wadajir oo manta Qarax culus ka dhacay iyo M.Formaajo oo soo booqday dhawacyadii…..

 

formaajo-jpg7Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari Nuuciisu ahaa Hariyeer ayaa ku qarxay suuq ku yaalla xaafadda kaawo Godey ee degmada wada jir.

qarax-nairobiSarakiil ka tirsan hay,adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa  inoo xaqiijiyay in ay ku dhinteen halkaas dad ku dhow 30 halka tiro kale oo dad ahna ay ku dhaawac meen kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee ku Yalla Magaalada muqdisho.

Saraakiisha ayaa inoo sheegay in markii hore laga warqabay dhagar qabahaan suuqaan ganacsi isku qarxiyay isla markaana hay,adaha ammaanku ay baacsanayeen ugu dambeynna cabsi uu ka qabay in gacanta lagu dhigo ah ay keentay in uu is qarxiyo.

formaajo-jpg6Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa booqday Isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho, oo manta la gaarsiiyay inta badan dadkii ku dhaawacmay qaraxii manta ka dhacay suuq ku yaalla degmadda wadajir ee gobolka Banaadir.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, ayaa caawa waxaa ay xireen dhamaan wadooyinka magaaladda ee ku dhow isbitaalka. 

In ka badan 35 ruux oo shacab u badan ayaa ku dhintay qaraxa, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in 100, kun oo dollar dowladdiisa ay siin doonto qof kasta oo soo sheega gaari qarax sida ama xog wanaagsan ka keena qarax ka hor inta uusan dhicin.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: