Advertisements

Madaxweyne Maxamed Formaajo oo socdaalkii ugu horeeyey ku tagi doono dal ka mid ah wadamada Khaliijka.

formaajo-jpg3Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed, ayaa la sheegay in uu socdaalkii ugu horeeyey ku tagi doono dal ka mid ah wadamada Khaliijka.

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Farmaajo safarkiisa ugu horeeyo uu ku tagi doono dalka Sacuudiga, iyadoo ujeedada ay tahay Cumreysi iyo Duco.

Warar hoose ee aan helney magaalada Riyaadh ayaa sheegaya in safarkaasi uu ka soo shaqeeyay Daahir Maxamuud Geele, safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga.

Waxaana dhacaya marka uu tago dalkaasi, kulamo uu la qaadanayo saraakiisha dowladda sacuudiga iyo boqorka dalkaasi oo balanqaad u sameeyay dowladda cusub.

Dowladda Sacuudiga oo daneyneysa arimaha Soomaaliya ayaa masuuliyiinta dalkaasi waxay xiriir dhanka qadka telefoonka ay lasoo sameeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Socdaalkaasi ayaa noqon doona sida qorshaha uu yahay mid kamid duwan madaxdii hore ee Soomaaliya oo socdaaladooda koowaad ka bilaabi jiray dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Ethiopia ay ugu horeyso.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: