Advertisements

Danjiraha dalka Turkiga uga wakiilka ah Soomaaliya oo kullamo kula qaadatay Madaxweynaha cusub iyo kii hore ee Somalia.

turkiya-iyo-somalia-jpg1Danjiraha dalka  Turkiga uga wakiilka ah dalka Soomaaliya  ayaa kullamo kala gooni ah kula qaadatay Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

turkiya-iyo-somaliaKulankii ugu danbeeyay oo ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisii lasoo shaqeysay, kulankaasi oo ahaa casho sharaf iyo mid macsalaameyn ah oo loogu mahad naqay Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekh ayaa kullanka waxaa ku wehliyay saaxiibadiisa gaarka ah oo kala ahaa, Faarax/C/qaadir, C/raxmaan Odawaa, Saadaq C/kariin iyo Cali Balcad oo dhamaantood ahaa garbihii Xasan Sheekh.

Sidoo kale, kullamadaan ayaa waxaa ka horeeyay kullamo kala gooni oo safaaradda ay la yeelatay Madaxweyne Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: