Advertisements

War saxaafadeed ka soo baxay xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee cunada WFP iyo carruurta UNICEF.

unicef

War saxaafadeed ka soo baxay xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee cunada WFP iyo carruurta UNICEF,  ayaa lagu sheegay in gargaar bani’aadannimo oo baaxad leh keliya lagu baajin karo in Soomaaliya ay mar kale gasho xaalad masiibo bani’aadannimo ah.

unicef-jpg4Hay’addahan ayaa sheegay in abaartan oo aafeysay sanadkii la soo dhaafay gobollada Waqooyi ay hadda ku fiday Soomaaliya inteeda kale, taasoo sida ay hadalka u dhigeen halis ku ah dad sanado badan ay soo daashadeed colaado.

wfpWarbixinta ayaa sheegay in kala bar marka la eego dadka ku dhaqan Soomaaliya ay xiligan wajahayaan badbaado la’aan cunto iyo  baahi dhinaca hab nolaleedkooda la xiriirta.

Hay’addahan ayaa sheegay in 944,000 oo caruur Soomaaliyeed ah ay hadda wajahayaan xaalad nafaqa darro, iyadoo dhinaca kalana 185,000 caruurtan ka mid ah ay la dhibaateysan yihiin xaalad nafaq darro ah, islamarkaana la filayo in 50% ay korarto bilaha na soo aadan haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban.

unicef-jpg3Wakiilo ka kala socda labada hay’adood ee WFP iyo UNICEF ayaa booqanaya deegaannada ay sida daran abaarta u saameysay ee Puntland si loo gaarsiiyo gargaarka sida weyn loogu baahan yahay.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa sheegay in dad badan oo Soomaali ah ay dhaafeen kheyraadkoodii ay wax kasta oo lahaayeen, gaar ahaan marka la eego xoolihii ay dhaqanayeen, iyaga oo ku nool ayuu yiri wax aan dhaafsiisneyn Gacanta-iyo- Afka [hand-to-mouth.]

SomaliSwiss Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: