Advertisements

Madaafiic ay dad ku dhinteen oo ku soo dhaceen nawaaxiga Villa Soomaaliya….

Muqdisho-gubaneysa.jpg1Maanta ayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la wareegay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya, ha yeeshee waxaa maanta nawaaxiga Villa Soomaaliya ku dhacay tiro madaafiic ah oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha.

Dhawaqa madaafiicdan ayaa laga maqlayay xaafado ku dhow madaxtooyada, waxaana dadka ku nool degmada Wardhiigley ay soo sheegayaan inay maqleen illaa afar madfac oo soo dhacay.

Goob joogayaal ku sugnaa goobta ay ku dhaceen Madaafiicdaas ayaa waxay u sheegeen mid ka mid ah Warbaahinta Muqdisho  in madaafiicdan ay ku dhinteen labo caruur ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen  tiro kale oo dad rayid ah.

Ugu danbeyntii,madaafiicdan ayaa ku soo beegantay xili maanta uun uu xafiiska la wareegay madaxweyne Farmaajo oo howlaha ugu horeeya ee laga sugayo ka mid tahay sugida amniga.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: