Advertisements

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo shaaciyey in Dawlada Soomaaliya soo daabici doonto lacag Shilin Soomaali ah…

Bankiga dhexe ee SomaliaGuddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa shaaciyey in Dawlada Soomaaliya ay soo daabici doonto lacag Shilin Soomaali ah, arrintaas oo ay iminka ku talo jirto, ha yeeshee Sanadkaan ayaa lagu wadaa in dawladu lacagtaas ay soo daabacdo.

Waa markii ugu horeysay ee dawladu lacag ay soo daabacayso laga soo bilaabo markii dawladii dhexe mar burburtay sanadkii 1991.

Madaxa Baanka Dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali ayaa warbaahinta u sheegay in qabanqaabooyinkii farsamo ay idlaadeen iminka, waa qabanqaabooyinka loogu jiro soo daabicida lacagta.

Dawlada haatan Soomaaliya ka jirta ayuu sheegay inay diyaar u tahay inay fan gareyso ama qarash gareyso soo daabicida lacagtaa.

Lacagihii Soomaaliya ayaa la diiday intoodii badnaa sida 10ka, 20ka, 50ka, 100ka iyo 5ta boqol inta badan dalka waxaana diiday dadka ayadoon la ogaan waxay ku qoonsadeen lacagtooda waxaan ka ahayn kunka kaasoo asna sii daba yar.

lacgaha qalaad siiba doolarka Mareykanka iyo lacagaha elektaroonigga ah ee taleefanada lagu xawilo ayay markaa noqotay in wax lagu kala gato qeybo badan oo dalka ah.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Bankiga in kharajka daabacaadda lacagtaas ay ku kaci doonto ilaa $60 malyan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: