Advertisements

Waa wax ku dayasho mudan horumarka ay gaareen Jaaliyadda Soomaaliyeed Kanton Bariga Swiss-ka (OstSchweiz).

img_2133Waxaan shalay socdaal ku tagay magaalada San Gallen ee Bariga Swiss-ka, sdaas awgeed ujeedada Socdaalkeyga wuxuu la xiriiray in aan booqasho kediss ah ugu tago Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kanton Bariga Swiss-ka (OstSchweiz) magaalada S.Gallen iyo degmooyinka la xiriira.

img_2141Ugu horreyntii waxaa halkaas igu soo dhaweysay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Is-dhexgalka Marwo Leyla Maxamuud Qanyare, waxaana kula kulmay ee igu qaabishay Xafiiskeeda ku yaalla bartamaha magaalada S. Gallen.

Marwo Leyla waxaan ka wareystay waxa uu Xafiiskan uu Soomaalidida u qabanaayo waxayna sheegtay in xafiiskan uu soomaalidu u fufudeynayo baahida ay u qabaan la xiiriirka Hay’adaha Dowlad Kontoonkan waxaana ka mid ah: Qorista Araajida, Buuxinta Foomamka, Tarjumidda Waraaqaha ku qoran Afka Jarmalka, Xallinta mashaakilka iska horimaadyada Xafiisyada Soshialka, Qaxootiga iyo Soomaalida IWM.

 img_2144Guddoomiyaha Guddiga Jaaliyadda ee Bariga Swiss-ka Marwa Leyla Kanyare, waxay kaloo sheegtay in Xafiiskeeda lagu qabto Seminaaro kala duwan, kaas oo Soomaalidu lagu siiyo duruusta aqoon isweydaarsi ah oo  wax weyn u tari doono sidii ay dadka u fahmi lahaayeen Is-dhex galka Bulshooyinka (Social-integration).

img_2122Warbixintaas ka dib waxax Marwo Leyla ii sheegay in dhowaan ay soomaalida iyo Bulshooyinka kaleba ay u fureen  Maqaayad  ay ku kulmaan kana Cunteeyaan, cuntadaas oo u badan Cunta dhaqameydka Soomaalida oo si jaban uga cunteeyaan.

img_2131Ugu danbeyntii Marwo Leyla waxay ii sheegtay in ujeedada ay u furitaanka Maqaayadan aysan ahayn in laga  helo faa’ido, balse ay tahay in lagu kulmo

img_2121Si kasta ha ahaate waxaa marqaati ma doon ah in Marwo Leyla M. Qanyare ay qabatay howl aad muhim uga ah Soomaalida, sidaas darteed waa wax qabad ku dayasho leh.

SomaliSwiss     Zürich

W.Q Dr. Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: