Advertisements

Dawladda Itoobiya oo sheegtay inay taageero buuxda la garab taagan tahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ethiopia_flagDawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay aad ula shaqeyn doonto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Shalay ayaa dawlada Itoobiya ay farriin boogaadin ah usoo dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo guushii doorashada uu ka gaaray awgeed. Waxay sidoo kale sheegtay inay taageero buuxda la garab taagan tahay.

Farriin hambalyo ah oo Raisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn usoo diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  Maxamed C/Laahi Farmaajo ayuu ku sheegay in doorashadu ahayd mid guul ku dhammaatay ayna guul weyn u tahay ummada Soomaaliyeed.

Wuxuu Hailemariam Desalegn intaa raaciyay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  Maxamed C/Laahi Farmaajo uu xoojin doono xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa intaa ku daray in uu aad ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya si Soomaaliya ay mar kale cagaheeda ugu istaagto kadib dagaal Soomaaliya halakeeyay muddo ka badan 26 sano.

SomaliSwiss   Addis Ababa

somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: