Advertisements

Shacabka Ku dhaqan Gobollada Dalka Soomaaliya oo si isku mid ah loogu dabaaldegay guusha Madaxweyne Farmaajo.

bannaanbax-muqdisho-jpg8Magaalada Caasimada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka iyo dibada ahba ayaa looga dabbaal dagay xalay guusha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku guuleystay doorashadii xilka madaxweynenimo ayaa khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh ay dabbaaldagyadu geysteen magaalooyinka dalka qaar.

Magaalada Caabudwaaq xalay hal qof ayaa ku dhintay kadib markii ay ku dhacday xabbad ka mid ah kuwii loo riday dabbaal dagga awgii. Waxaa sidoo kale xabbadaha ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.

Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxaa iyana ku dhaawacmay hal ruux kadib markii xabbado dabbaal dag ah la ganay.

Haatan oo aanu warbixintaan qoreyno ayaa wali waxaa lagu soo waramayaa in u dabbaal dagga madaxwenaha cusub Mr. Farmaajo uu wali ka socdo qeybo ka tirsan caasimada Muqdisho.

Dhanka kale, meelaha dibadda dalka ah ee dabbaal daggu ka dhacay waxaa kujirta caasimada Nairobi.

Xalay waddooyinka Islii ayaa saacado badan ay ku dabbaal dagayeen ayagoo waddooyinka isugu soo baxay hal ku dhagyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay ku taageerayaana qaadayay, qaar ayaa gawaari watay isla markaana hoonka yeerinaayay.

Farmaajo ayaa intii raisul wasaaraha uu ka ahaa dawladii Sheekh Shariif kasbaday kalsoonida Soomaalida kadib markii uu muujiyay wax qabad ay la dhaceen.

Doorashadii dhacday shalay intii uu ololaha ugusoo jiray ayaa ballan qaadkiisu ahaa inuu dalka iyo danta Soomaaliyeed wax tari doono.

 

Magaalada Madaxda Jubaland ee Kismaayo

shacabka-kismaayo-jpg1Kumannaan dadweeyne ah ayaa saaka aroortii isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayagoo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn, waxaana dadkani ay qaarkood siteen calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayagoo sidoo kale ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay ku soo dhaweeynayaan madaxweeynaha cusub ee dalka.

Dadkan oo ka koobnaa, haween, carruur, dhalinyaro, ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxa ay socod kusoo mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada, ayagoo ku dhawaaqayay erayo ay kamid yihiin “Farmaajo Guul” “Soomaaliya ha midoowdo” iyo hal-ku-dhigyo kale oo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin hogaanka cusub ee dalka.

Dadweynaha ayaa isugu ururay beerta xoriyadda ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay dadweeynaha kula hadleen madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland.

 Mas’uuliyiintan oo khudbado ka jeediyeen dibadbaxan ayaa waxay sheegay in ay shacabka la qeybsanayaan farxadda iyo reynreynta.Inta badan gobollada dalka waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo lagu taageerayo madaxweeynaha cusub ee Soomaaliya mudane Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo.

Dibadbax ka dhacay magaalada Beledweyne

shacabka-beledweyneDibadbax maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaaajo.

 Dibadbaxa oo ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen bulshada ku dhaqan qeybaha kala duwan ee xaafaddaha magaalada Beledweyne, ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka ururada haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynta Cismaan oo hadal kooban u jeediyay dadkii isku soo baxay ayaa soo dhaweeyay doorashada Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu sheegay ah shaqsi la tijaabiyay wax badanna mudadii uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa dalka ka qabtay dhismaha ciidamada iyo guud ahaanba heykalka dowladnimo.

Ugu danbeyntii, dhamaanba qeybaha kala duwanaa ee dibadbaxa ka qeybgallay ayaa ku ammaanay baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga tarjumeen rabitaanka shacabka, madaama sida ay hadalka u dhigeen baarlamaanku ka tarjumay rabitaanka shacabka.

 Guud ahaan marka la eego deegaannada kala duwan ee Soomaaliya ayaa si weyn looga soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha Farmaajo.

Magaalada Nairobi Islii ee Kenya oo loogu dabbaal dagay guushii Farmaajo

shacabka-islii-kenyaMagaalada Nairobi Islii ee Kenya ayaa xalay aad loogu dabbaal dagay guushii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya 4ta sano ee soo socota.

Muhaajiriin badan oo gaaraya tobanaan kun ayaa ku nool xaafada Islii kuwaasoo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka saoo baxsaday laga soo bilaabo 1991 markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay.

Xalay waddooyinka Islii ayaa saacado badan ay ku dabbaal dagayeen ayagoo waddooyinka isugu soo baxay hal ku dhagyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay ku taageerayaana qaadayay.  Qaar ayaa gawaari watay isla markaana hoonka yeerinaayay.

Farmaajo ayaa intii raisul wasaaraha uu ka ahaa dawladii Sheekh Shariif kasbaday kalsoonida Soomaalida kadib markii uu muujiyay wax qabad ay la dhaceen.

Doorashadii dhacday shalay intii uu ololaha ugusoo jiray ayaa ballan qaadkiisu ahaa inuu dalka iyo danta Soomaaliyeed wax tari doono.

SomaliSwiss   Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: