Advertisements

Beesha caalamka oo si isku mid ah u soo dhaweysay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Beesha CaalamkaQaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale jecelyihiin inay mahad iyo qadarin u diraan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee xilka banaynaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, Beesha Caalamku waxay uga mahadnaqeen Madaxweyne Xasan Sheikh guulihii badnaa ee ay gaareen afartii sano ee la soo dhaafay waxayna [Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud] uga mahadcelinayaan khudbadiisa qiimaha lahayd ee tanaasulka, taas oo fududeysay in si nabadgelyo ah oo kaladambayn leh xilka la iskugu wareejiyo” Waxaa qoraalka lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahayaa dhowr caqabadood oo waaweyn si uu u xaqiijiyo yidiilada dadka Soomaaliyeed.

Dadku waxay ka rajaynayaan dowladda federaalka in ay wax ka qabato dhibaatada abaaraha ee sii xumaanaysa ee dalka ka jirta iyo inay ka hortagto macluul kale [oo dalka ka dhacda]”

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ku hanweyntahay inay kala shaqayso Madaxweynaha cusub, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ka dhisan dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dalka ka jira.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: