Advertisements

Mudane Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo loo dhaariyey Afarta Sano soo coto inuu yahay Madaxeynaha Somalia:

farmaajo-president

Mudane Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu noqday madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu wareegii saddexaad ka tanaasulay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.

Madaxweyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii labaad ku soo baxay 185, hase ahaatee markii loo diyaar garoobay wareegii saddexaad ayaa waxaa ka tanaasulay doorashada Xassan Sheekh Max’uud oo helay codad dhan 97, halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 46 cod.

Ugu danbeyntii, lagu dhawaaqay in madaxweynaha Soomaaliya afarta sanno ee soo socta uu noqonayo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: