Advertisements

Doorashadii Xilka Madaxweynaha dalka oo weli socoto wareegii labaad oo haatan dhamaatay.

codeynta-baarlamaankaWaxaa maanta abbaarihii duhurnimo ka bilaabatay xaruntii hore ciidamada Cirka ee Afisiyoone   doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan 21 musharax.

Guddoomiyaha hay’adda culimadda Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa wacdi dardaaran ah u horjeediyay xildhibaanada Soomaaliya iyo musharaxiinta waxaana uu ugu baaqay in codka ay siiyaan shaqsi Soomaaliya badbaadin kara.

Intaa kadib ayaa kalfadhiga koowaad Kulankiisa 7-aad ee baarlamaanka Labada Aqal waxaa lagu furay heesta astaanta calanka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Prof Jawaari ayaa sheegay in kulanka oo ay joogaan 328 mudane uu furan yahay,waxaan hoolka lagu dhaariyay afar xildhibaan oo labada aqal ah.

Markii ay soo dhamaatey Codeyntii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Wareegiid kowaad waxaana ku tartamay ilaa 21 Musharax oo dhamaantood doonayey in ay noqdaan madaxweyanaha Afarta Sano ee soo socoto.

Wareega labaad ayaa waxaa usoo gudbay afarta Musharax ee ugu codadka Badnaa Afartan Musharax oo kala ah Xasan sheikh Maxamuud , Maxamed C/llahi Farmaajo , Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Guddoomiyaha Barlamaanka Shacabka iyo kan Aqalka Sare iyo guddiga Doorashada waxay ku dhawaaqaan Musharraxiin ku soo baxay Doorashada wareegga Kowaad..

Waxayna Codadka u kala heleen Sidatan:

Xasan Sheikh Maxamuud 88

Maxamed C/llahi Farmaajo 72

Shariif Shiikh Axmed 49

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake 37

Markii la isku soo laabtay Wareegii 2aad ayaa waxaa tanasul ku dhawaaqay Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ay haytay codad  aad u hooseeya oo dhan 37 Cod.

Wixii ka soo baxa wareeggii 3aad dib ayaan idinla socodsiin doonaa.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: