Advertisements

Xarunta golaha shacabka oo maanta uga furantay dooda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

doodda-musharixiintaWaxaa Maanta  xarunta golaha shacabka uga furmay dooda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo todobaadkii hore dib u dhac ku yimid.

Doodda oo maanta si toos ah looga daawanaya TV-ga Qaranka ayaa waxaa daadihinaya Wariye Yuusuf Xassan Macalin, waxaana ka qaybgalay ilaa 11 musharax ayuu qorshuhu ahaa in wajiga hore ee doodda ay ka qeyb-galaan.

Todobaadkii hore ayay dooda u baaqatay is qab qabsi ka dhashay Internet-ka oo go’naa, maadaama aanay suura gelin in si toos loo daawado, ayaa musharaxiinta qaar waxay ku doodeen in aanay dooda noqon mid la duubo.

Musharixiinta qorsheysan in galinka danbe ee maanta ka qeybgalaan doorashada ayaa tiradooda waxaa ay gaareysaa ilaa 12 musharax sida ku qoran jadwalka doodda, lamana oga sida ay musharixiinta u xaadiri doonaan xarunta golaha shacabka.

Wajiga koowaad ayaa waxaa maanta dood-wadaag ka yeeshaan ilaa 11 Mushara,halka qeybta Dambe ay dooda yeelan lahaayeen 12 Musharax.

Hasse ahaatee dooda lagu soo gabagabeeyay xarunta golaha shacabka ayaa waxaa ka qeyb-gallay saddex musharax oo kaliya oo kala ah Bashiir Raage Shiiraar,Axmed Maxamed Cabdi iyo Sakariye Max’uud Cabdi, iyadoo ay goobta ka maqnaayeen ilaa saddeed musharax.

Ugu danbeyntii, laga bilaabo maalinta berri ah ayaa waxaa ay gudiga qaban-qaabada doorashada bilaabi doonaan u diyaargaroowga doorashada iyo diyaarinta halka ay doorashada ka dhaceyso oo u baahan in siweyn looga shaqeeyo.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: