Advertisements

Xaakim Mareykanka heer federaal ah oo is-hortaagay xannibaaddii Madaxweyne Trump.

james-robartDalka Mareykanka Xaakim heer federaal ah ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dadkii imanayay 7 dal oo muslim ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.

Xukuumadda ayaa la filayaa inay racfaan degdeg ah ka qaadato xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.

 Ugu danbeyntii, maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.

SomaliSwiss    Seattle

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: