Advertisements

Xarunta Golaha shacabka oo maanta ka bilaabatay Khudbadihii musharixiinta xilka Madaxweynaha.

baarlamaanka-jpg13Waxaa Maanta oo Khamiis ah taariikhudna ku beegan tahay 02 bishan Feberaayo ka bilaabatay xarunta golaha shacabka khudbadihii musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ilaa Siddeed musharax ayaa maanta in ay khudbahooda ay ka horjeediyaan baarlamaanka, balse 7 musharax ayaa ku sugan xarunta, halka musharaxa siddeedaa uu maqan yahay oo uu soo cudur taartay sida uu sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Prof Jawaari.

Waxaa khudbadahooda ilaa iyo hadda jeediyay Sakariye Max’uud Xaaji, Bashiir Raage Shiraar iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Musharixiinta kale ayaa lagu wadaa in ay goor dhaw khudbadahooda jeediyaan, musharax walbana waxaa uu leeyahay 30 daqiiqo oo kaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: