Advertisements

Guddoomiye ku-xigeenkii Gudiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha oo is-casilay.

fartaagWar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenkii gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu iska casilay xubinnimadii gudiga kadib eedeyn loo jeediyay.

Warka arintan ku saabsan waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle, oo sheegay in uu iskii uga tagay howshii uu gudiga u hayay.

Gollaha musharixiinta madaxweynaha oo kulan maalintii shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay mas’uulkan in uu si toos ah ula saftay una taageeray mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha.

 Sidaas daraadeed waxaa ay codsadeen in laga saaro xubinnimada gudiga oo sida ay hadalka u dhigeen looga baahan yahay in ay dhaxdhaxaad ka noqdaan howlaha doorashada ee socda.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada Dr Beyle ayaa qaadacay go’aankii musharixiinta ee ahaa in gudiga oo kaliya uusan awood u laheyn in uu baabi’iyo qodobo ka mid ah jadwalka doorashada.

  Guddoomiyaha gudiga  ayaa sheegay in arintan keeni karto qalqal ama dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada.

Si kasta ha ahaatee, waxaa beri la filaayaa in xarunta golaha shacabka ay ka bilaawdaan khubadaha musharixiinta, waxaana la dhageysan doonaan wax qabadkooda ilaa siddeed musharax sida ku cad jadwalka jeedinta khudbadaha musharixiinta.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: