Advertisements

Xog-hayaha guud Qaramada Midoobay oo Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Uganda.

un-iyo-ugandaWakaaladda Wararka dalka Itoobiya ayaa goor dhoweyd baahisay in magaalada Addis Ababa ay kulan ku yeeshay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo xog-hayaha cusub QM Antonio Guterres.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada amniga dalalka Soomaaliya, South Sudan, Burundi iyo Koongada Dimquraadiga, maadaama dalalkan ay ka jiraan xaalado qatar oo dhinaca amniga ah.

Waxa ay si gaar ah kulankooda diirada ugu saareen xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo xilliga kala guurka ee Soomaalia oo doorashada Madaxweynaha ay ka dhaceyso 8-da Febraayo 2017-ka.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay ka codsaday in dalkiisa laga taageero xaaladda Qaxootiga ku sugan Uganda, si dadkaasi ay u helaan cuno ku fulin.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa waxaa ay isla garteen sidii dalka Soomaaliya looga taageeri lahaa baahida la xiriirta dhismaha aragtida siyaasadeed ee Qaranka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta waxaa ka furmaya shirweynaha 28-aad ee hoggaamiyeyaasha Qaarada Africaa, waxaana shirkaas ka qeyb galaya qaar ka mid ah madaxweynayaasha dalalka africa.

SomaliSwiss        Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: