Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka ambabaxay Muqdisho, gaarayna magaalada Addis-Ababa.

Madaxweyne Xasan Sheekh SocdaalMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu u hoggaaminaya ayaa maanta barqadnimadii  ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya shir Madaxeedka Midowga Africa oo maanta ka furmaya Magaalada Addis-Ababa, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin, Hiigsiga horumarineed ee Qaarada Africa ee 2063, Doorashada Guddoonka AUC oo ay sannadkan u sharaxan tahay Wasiiradda Arrimaha Dibada ee Kenya Amina Mohamed.

Socdaalka Xasan ayaa meesha ka saaraya warar maalmihii dhowaa la isla dhex marayey oo ku saabsanaa in madaxweyna uu ka baaqsan doono shirkaas, taa beddelkeedna uu Soomaaliya matali doono wasiirka arrimaha dibedda Cabdisalaan Cumar Hadliye.

Madaxweynaha ayaa xalay 180 xildhibaan ku qaabilay madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo uu ku muujiyey taageerada uu ka haysto xildhibaanada.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: