Advertisements

Guddiga qaban-qaabada doorashada oo sheegay in aysan jirin cabsi ay ka qabaan in wax is daba-marin la sameeyo.

beyleSida aad la socotaan waxaa  marar badan lagu soo celceliyay in doorashada Madaxweynaha laga ilaaliyo musuq maasuq iyo wax is daba marin ayaa waxaa sidaas awgeed arintan ka hadlay Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada oo sheegay in aysan jirin cabsi ay ka qabaan in wax is daba-marin la sameeyo.

 Guddoomiyaha gudiga doorashada Dr C/raxmaan Ducaale Beylle ayaa warbaahinta u sheegay in doorashadu u dhici dooto si cad ah oo ka hufan wax is dabamarin iyo iyo musuqmaasuq.

 ‘’Waa u diyaargaroownay arintaa, murashixiintu waxaa ay horimanayaan xildhibaannada, xildhibaannada warqad ayaa loo dhiibayaa, magaca qofka ay dooranayaan ayeey soo callaamadeynayaan, sanduuq la wada arkayana waa ay ku ridayaan, marka halka uu musuqmaasuqa ka soo galli karo annaga ma ogin, wax intaa ka duwan oo dhici karana ma jiro’’ ayuu yiri guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha.

 Waxaa uu sheegay in dhamaan mar la eego dadka codsiyada soo qortay ee u tartamaya xilkan yihiin kuwo buuxiyay sharuudihii looga baahnaa una qalma sida uu hadalka u dhigay in ay Madaxweyne noqdaan.

Hase ahaatee wuxuu Guddoomiyuhu sheegay in cidda kala saareysa yihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee iyaga wax dooranaya.

‘’Bulshada waa ay na aamineen kitaab ayaan ku dhaaranay, dhaartaa aan galnay annaga oo ka duuleyna waxaan soo saari doonaa qof macquul ah oo dalkan iyo dadka samatabixin kara’’ ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doorashada.

Hadalka guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada ayaa imanaya xili ay iska soo daba dhacayaan digniin la soo jeedinayo oo la xiriiriya in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya noqonto mid ku dhacda si xor ah oo xalaal ah.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: