Advertisements

Shir madaxeedka 28aad Midowga Afrika oo maalinta berri ah ka furmi doono magaalada uu Addis Ababa.

Mideast Libya AU SummitWaxaa maalinta berri ah oo ku beegan 30ka bishaan ayaa lagu wadaa in magaalada uu Addis Ababa ee dalka Itoobiya  uu ka furmo shir madaxeedka midowga Afrika ee 28aad.

Shirkaa madaxeed ee 28aad ayaa la filayaa in ay ka qeyb-galaan madaxweyneyaasha dalalka qaaradaan Africa, waxaana uu shirka ka dhici doonaaa xarunta ururka midowga Afrika.

Shirkaa ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madax kale oo heer caalami ah.

Hogaamiyayaasha midawga Africa ayaa qaarkood tagay maalintii shalay magaalada Addis Ababa, a waxaa ku jira madaxweyne ku-xigeenka Cuba Salvador Mesa.

Waxaa isna goor dhow la filayaa in uu Addis gaaro xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres. Asna waxaa la filayaa inuu yimaado madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas -Abu Mazen. 

Madaxweyneyaasha dalalka Africa ayaa shirkaan ku dooran doona qof guddoomiye cusub u noqda ururka midowga Afrika.

SomaliSwiss   Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: