Advertisements

Xarunta Villa Hargeysa oo si weyn uga socotay diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

guddiga-doorashada-jpg1Xarunta Villa Hargeysa waxaa siweyn uga soctay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaana ilaa iyo hadda la diiwaangaliyay 12 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

diiwaangalinta-musharixiintaMaalinta beri ah ayaa la filayaa galinka danbe in la soo gabagabeeyo diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha sida ku qoran jadwalka doorashada ay soo saareen gudiga qaban-qaabada.

Musharixiinta iliaa iyo hadda is diiwaangaliyay ayaa waxaa ka mid ah : Sheekh Shariif Sheekh AxmedCumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Cabdiqaadir Cosoble Cali, Maxamuud Maxamed Culusow, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, C/naasir Cabdulle Maxamed, Bashiir Raagge Shiiraar, Amb. Maxamed Cali Ameeriko, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Jabriil Ibraahim Cabdulle, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo  Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga doorashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in isdiwaan gelinta Musharaxiinta ay u socoto si wanaagsan, islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loogu tala galay oo ah maalinta beri ah .

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: