Advertisements

Madaxwyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo musharax Dr. C/raxmaan Faroole, Maxay ka wada hadleen??????.

xasan-iyo-faroole-jpg1Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan xiisa gaar lahaa, kaas oo ka  mid ahaa kulamada aad loo hadal-haaya ee maanta  jimcaha ah dhex maray madaxwynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo musharax Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole.

xasan-iyo-farooleDr. Faroole oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somalia, siyaasiyiin iyo xubno kala ayaa tagay guriga loo tartamaayo ee Villa Somalia.

Labada masuul ayaa qaatay kulan albaabadu u xiran yihiin kaas oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa looga hadlay.

Siyaasiyiinta qaar ayaa durba walaac ka muujiyeen marti qaadka uu Xasan Shiikh u sameeyay Faroole madaama uu Faroole heysto aqblabiyada xildhibaabada labada aqal ee beesha Daarood.

Sidoo kale doorka u Faroole ku lee yahay xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland ayaa ah mid kale oo aan la qarin karin madaama uu ka mid yahay xubnihii Jubbaland ka caawiyay iney soo hano qaado waana taas sababta ay siyaasiyiinta qaar halis ugu arkaan Faroole.

Kulan kadib labada masuul ayaa dajiyay walbahaarka siyaasiyiinta qaar ay ka qabaan is xulafeysi dhex mara labada nin.

Musharax Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa kulanka kadib u sheegay saxafiyiinta sidan.

“Maanta oo Jimce ah waxaan ajiibnay casumaad qado ah oo uu noo fidshay Murashax Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud,Mudanayaal labada aqal ee Barlamanka ka tirsan ayaa casumaada igu weheliyay.

“Aadbaan uga mahadcelinayaa Madaxwaynaha marti-qaadka, maalmihii kululaa oo wax la iska sheeg-sheegi jiray waa la soo dhaafay, waxa soo aadan inay si cadaalad ah u dhacaan ayaan ka wada hadalnay,Waxa hadda la joogaa in doorashada si fiican loo wada galo cidii guuleysatana lala shaqeeyo.

Marka la fiiriyo xanta siyaasada iyo heerka ololaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho waxaa muuqata in Faroole uu lee yahay saameyn xoogan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: