Advertisements

Dagaal aad u culus oo ay iskaga horimaadeen Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Kubiyow.

al-shabaab-jpg7Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Kulbiyow Jubada Hoose halkaa oo ay ku gashay ciidamo ka tirsan kuwa KDF ee AMISOM.

al-shabaab.jpg6Dagaalkaa oo cuslaa ayaa goob jooge u sheegay Warbaahinta in al-Shabaab dableyda ka tirsan ay gawaari labo ah ku qarxiyeen  midba mar si isku xigta ka hor intii aysan rasaas bilaabin.

Sidoo kale qofkaasi goob joogaha ahaa wuxuu sheegay dhacdadaa in ay dableydu gashay xero halkaa KDF ku leeyihiin.  Weerarkaa ayaa aad u qaraaraa. Dableydaa ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsatay xeradaa iyo magaalada Kulbiyow labadaba.

Xarakada al-Shabaab ayaa sheegeysa inay ciidamada KDF ee Kenya ay ka dishay 57 askari dagaal saaka ka dhacay Kulbiyow Jubada Hoose.

Dhanka kale Al-shabaab waxay intaa raacisay inay ka qabsatay hub aad u badan iyo gawaari. Sikastaba ha ahaatee, afhayeenka KDF Paul Njuguna ayaa inkiray sheegashadaa.

Mr. Paul Njuguna wuxuu sheegay in warkaasi waxba kama jiraan yahay balse mauusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dirirtaa.

Dad shacab ah oo deegaankaa kusugan ayaa sheegay in ay arkeen meydadka askar ka tirsanaa KDF balse maysan sheegin inta tiradoodu ahaayeen meydadkaa.

Wax ilo wareed ah oo kale oo xaqiijin kara khasaaraha dagaalkaa majiraan wali, balse  Goor sii horeysay ayaa goob jooge u sheegay Warbaahinta al-Shabaab dableyda ka tirsan ay gawaari labo ah ku qarxiyeen  midba mar si isku xigta ka hor intii aysan rasaas bilaabin.

Warar saaka goor hore soo baxay ayaa sheegay in dableydaasi ay qabsatay xeradaa iyo magaalada Kulbiyow labadaba.

Si kastaba ha ahaatee wali lama xaqiijin karo warkaa ah inay qabsadeen xerada iyo magaalada intaba. Majiraan ilo wareed kale oo madax bannaan oo xaqiijin kara qabsashada.

Weerarkan ayaa imanaya ayadoo weerar ay al-Shabaab ku qaaday Hotel Dayah Muqdisho labo maalmood un ka hor halkaa oo dhowr iyo labaatan qof ugu yaraan ay ku dhinteen.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: