Advertisements

WAR DEG-DEG AH: Guddoomiyaha sarifleyaasha magaalada Hargeysa oo ku geeriyooday saldhiga dhexe ee Hargeysa

war degdeg ahWar naga soo gaaray  magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in maanta uu ku geeriyooday gudaha saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa Guddoomiyaha sarifleyaasha oo shalay la soo xiray.

Guddoomiyaha sarifleyaasha marxuum Cabdilaahi Cali Bare oo ka mid ahaa shan qof oo shalay loo soo xiray arrimaha sarifka lacagaha kadib markii ay ka hor yimaadeen go’aankii lagu amray in aanay dhaafin sarifka ayaa saldhiga ku dhex dhintay.

Wararka naga soo gaaraya Hargeysa ayaa sheegaya in markii uu quraacday uu geeriyooday, waxaanu hadda la dhigay dhakhtarka weyn ee magaaladda Hargeysa.Laakiin wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland Prof Yaasiin Xaaji Max’uud Xiir oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in geerida marxuumka tahay mid aan wax xiriir ah la laheyn xarigiisa.

”Wuu quraacanayay, waxaan u maleynayaa in mid ka mid ah ilkiisa oo dhacday u sii raacday raashinkii uu cunayay kadibna cunaha u joogsatay, dhakhtarka ayaa loola cararay intii la sii waday ayuu geeriyooda” ayuu yiri wasiirka.

Si kasta ha ahaatee, ilaa hadda waxaa arrimaha sarifka u xiran shan qof, halka sarkaal ka tirsan shirkadda TELESOM oo isagu ka hor yimid amarkii ka soo baxay golaha wasiiradda isna wuu xidhan yahay.

SomaliSwiss    Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: