Advertisements

Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa oo maanta lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho.

qarax-jpg24Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyay ayaa maanta lagu qaaday hoteel ku yaalla wadada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ee Maka Al-Mukarama.

qarax-jpg26Hotelka la weeraro oo lagu magacaabo Dayax Hotel ayaa ah mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo, waxaana lagu waramayaa in ilinka hore ee laga gallo lagu dhuftay gaari walaxa qarxa laga soo buuxiyay.

Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas xoogan oo  dhaceysa lamana oga in ay tahay rasaaas ay ridayaan ciidamada amniga iyo ay jiraan dabley weerar ku qaaday hotelka, kadib qaraxa.

qarax-jpg25Saraakiil ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray weerarkii hoteelka Dayax, waxaana jira khasaare ballaaran oo ka dhashay qaraxyada saakay dhacay iyo weerarka kooxaha dableyda ah ay ku qaadeen hoteelka Dayax.

Tirada dhimashada ayaa lagu waramyaa in ay ku dhawdahay 20 ruux, halka sidoo ay  jiraan dhaawacyo tiro badan oo soo gaaray dad shacab ah oo ay ka mid yihiin wariyayaal ka tirsan  wakaalado kala duwan.

qarax-jpg23Wariyaasha dhaawacmay oo u badnaa sawir qaadayaal ayaa waxaa ka mid ahaa wariye Faarax AP,Wariye Saruurow,Wariye Gacal oo Tv-ga Horn Cable ka tirsan iyo Wariye lagu Magacaabo Gurey.

qarax-jpg27Waxaa inta badan bur buray dhimayaashii ku yaala ilinka hore ee hoteelka, sidoo kalana waxaa dumay goobo ganacsi oo dad rayid ah ay ku lahaayeen agagaarka hoteelka la weeraray.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka oo noqonaya kii ugu culsaa oo sanadkan ka dhaca magaalada Muqdisho xili loo diyaargaroobayo in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xiligan ku sugan agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay iyaga oo wada howlgalo nadiifin ah, madaama ay sheegeen in la soo afjaray weerarkii dableyda ay ku qaadeen hotelka.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: