Advertisements

Wasiirka Amniga gudaha oo warbaahinta siiyey warbixin la xiriirta weerarkii lagu qaaday hotel Dayax.

Wwasiirka amnigaasiirka wasaarada amniga gudaha C/risaaq Cumar Max’ed oo warbaahinta kula hadlay dhismaha hoteelka Dayax ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii saakay.

Wasiirka ayaa beeniyay in dalbeyda weerarka oo qaaday u suurtagashay in ay gudaha u gallaan hoteelka, isaga oo taa badalkeeda sheegay in ciidamada dileen dhamaan dableyda ka hor inta aysan dhismaha soo gaarin.

Dadka dhintay ayuu ku sheegay in ay gaarayaan 10 ruux, halka tiro kale oo ka badan 50 ruux dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.

Laakiin warar madaxbanaan ayaa sheegaya in qaraxyadii saakay dhacay ku dhinteen 20 ruux, halka tiro badan oo dhaawacyo ah  la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Dadka saakay dhintay ayaa lagu waramayaa in ay ka mid ahaayeen labo nabadoon soo siweyn looga garanayay caasimada oo lagu kala magacaabo Malaaq Malaboow iyo Malaaq C/rashiid.

Siddoo kale waxaa ku dhaawacmay weerarka tiro wariyayaal ah oo ka howlgala wakaalada kala duwan.

Siddoo kale goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dableyda u suurtagashay in ay gudaha u gallaan dhismaha hoteelka, inkastoo markii danbe ciidamada amniga soo afjareen weerarka kadib dagaal culus oo dhaxmaray labada dhinac.

Ugu danbeyntii, qaraxyadii saakay ka dhacay caasimada ayaa imanaya xili magaalada Muqdisho la filayo in dhawaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: