Advertisements

Waqtiga Howl-galka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay.

labada-aqalGuddiga Howl-galka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii shalay lagu dhawaaqay ayaa isla maanta shaaciyay jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

howl-galGudiga ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha la qabanayo 8da bisha Fabaarayo oo maalmo kooban uu ka harsan tahay.

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen  iyo xoghaye guud,  kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha ayaa loo doortay C/raxmaan Ducaale Beylle, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortay Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,  siddoo kale xog-hayaha gudiga ayaa noqoneysa xildhibaan Maryan Axmed Haaruun.

Xildhibaan  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa madax ka ahaa gudigii doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka, waxaana lagu xasuustaa sidii wacneyd oo ay gudigaa u maamuleen doorashada guddoonka baarlamaanka oo ku dhacday waqtigii  loo dajiyay.

Gudiga ayaa la filayaa in wixii xiligan ka danbeeya gudagalin doonaan jadwalka doorashada madaxweyaha iyaga oo soo saari doona waqtiga kama danbeysta ah oo ay doorashada ku dhici doonto.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: