Advertisements

Doorashadii tartanka guddoonka aqalka Odayaasha oo maanta lagu soo gaba gabeeye magaalada Muqdisho.

cabdi-xaanshiDoorashadii tartanka guddoonka aqalka Odayaasha ayaa  maanta lagu soo gaba gabeeye magaalada Muqdisho, ugu horreyntii la dhameeyey  doorashada guddoomiyaha aqalka Odayaasha oo ay ku tartameen labo musharax, waxaana ku guuleystay guddoomiyaha aqalka Odayaasha Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Mudane Cabdi Xaaji C/dulllaahi ayaa hellay 43 cod, halka musharixii la tartamayay Mustafe Max’ed Qodax uu hellay 9 cod, iyadoo guud ahaan xildhibaannada codadka dhiibtay gaarayeen 52 xildhibaan.

Mudane Cabdi Xaanshi Cabdullaahi Guddoomiyaha cusub ee aqalka sare oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad celiyay dhamaanba xubanaha aqalka sare, isaga oo sheegay in uu gollaha ku hogaamin doono cadaalad iyo sinnaan. bukhaari

Waxaa kadib waxaa la bilaaban codeynta guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad oo ay u sharaxan yihiin ilaa 14 xildhibaan.

Sidoo kale waxaa Doorasho aad u adag oo saddex wareeg leysla maray, ayaa ugu danbeyntii waxaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ku guuleystay Abshir Max’ed Axmed Bukhaari oo ka guuleystay Axmed Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer.

Musharax Abshir Mukhaari ayaa ku guuleystay 30 cod, halka musharixii la tartamayay Axmed Cabdi Dhuxuloow uu helay 22 cod.

Si kasta ha ahaatee waxaa ugu danbeyntii la guda-galay doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad oo ay ku tartamayaan 7 xildhibaan oo ay ka mid yihiin labo dumar ah, waxaana ku guuleystay Mowliid Xuseyn Guhaad.

Ugu danbeyntii sida lagu soo warramay in doorashadii maanta ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho inay ahayd mid ku dhamaatay Nabad iyo reynreen.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: