Advertisements

Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo maanta dab ka kacay.

suuqa-bakaaro-dab-jpg1Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dab uu ka kacay dhisme ganacsi oo ku yaala qeybta Cabdalla Shideeye, kaasoo ku sii fidaya qeybo ka mid ah suuqa.

suuqa-bakaaro-dabDabka oo aan la ogeyn sababaha keenay in uu kaco ayaa waxaa soconaya dadaal weyn oo loogu jiro sidii loo damin lahaa, isaga oo u sii gudbaya dhismayaal ganacsi oo ka agdhaw goobta uu markii hore kacay dabka.

Goob jooge ku sugan suuqa ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu ka kacay Bakhaaro lagu iibiyo qaxwaha oo ku yaala qeybta Cabdalla Shidiye.

Warar kale oo dheeraad ah ayaa goor danbe ka soo baxay ayaa sheegayaa in dab xoogan oo duhurnimadii maanta ka kacay qeybo ka mid ah suuqa, gaar ahaan inta u dhaxeysa safarweynaha iyo suuqa timirta.

Gaar ahaan dabka ayaa ugu horeyn ka kacay maqaayad sida la sheegay ka soo jeeda masjidka Shuhadaa ee ku yaala gudaha Cabdala Shidiye, waxaana uu bilaabay dabka in uu u gudbo dhismayaal kale oo ka ag-dhawaa goobta uu markii hore ka kacay. G

anacsatada suuqa ayaa bilaabay in ay hantidooda kala baxaan dhismayaasha ka agdhaw qeybaha suuqa ee wali dabka uu ka soconayo. Goobta waxaa ku sugan ilaa shan dabdamis oo isku dayaya in ay damiyaan dabka, waxaana sidoo kale goobta ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dadka ka ilaalinaya in ay xatooyo iyo boob ka geystaan suuqa.

Qof ku sugan Suuqa ayaa sheegay in ilaa iyo hada khasaare nafeed uusan geysan, hasse ahaatee uu jiro khasaare hantiyeed, waloow aan si rasmi ah loo ogeyn in uu khasaaraha la eg yahay.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuq siweyn cariir u ah oo dhimayaasha yihiin kuwo siweyn isugu dhaw dhaw, waxaana xusid mudan in suuqa ay ku badan yihiin goobaha maqaayadaha ah ee laga cunteeyo, kuwaa inta badan sahla dabka ka kaca suuqa.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: