Advertisements

Musharixiinta u taagan xilka guddooka aqalka sare oo khubado ka hor jeediyeen xildhibaannada aqalkaas.

aqalka-sare-png1Waxaa Maanta oo Sabti ah ay musharixiinta u taagan xilka guddooka aqalka sare ayaa khubado ka hor jeediyeen xildhibaannada aqalkaas, iyagoo gudiga qaban-qaabada doorashada ay ku sugnaayeen halkaas.

Musharaxiinta ayaa Xildhibaanada aqalka sare ka dalbaeen kalsoonida, iyadoo musharax waliba uu Xildhibaanada ka hor cadeyn doono waxa uu qabandoono haddii la doorto.

Ilaa 16 murashax ayaa isu soo taagtay xilka guddoonka aqalka sare, labo murashax waxaa ay ku tartamayaan xilka guddoomiyaha aqalka sare, halka min 7 musharax ay ku tartamayaan guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah kuna beegan 21 la dhageysan doono Khudbadaha.

Maalinta berri ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 22ka bishan in ay dhacdo doorashada guddoonka aqalka sare.

Ugu danbeyntii, todobaadyada nagu soo foolka leh ayaa la filayaa in ay fadhi wada jir ah yeeshaan labada aqal oo ka arinsan doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: