Advertisements

Tartan Sporti oo is-dhexgal iyo is-barashada dhallinta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Zürich ee wadanka Switzerland.

 sportiga-zurichWaxaa Tartan ciyaareed Kubadda cagta ah oo lagu qabtay dorraat magaaladda Zürich ee wadanka Switzerland ayaa waxaa ka soo qeyb galay siddeed Koox oo ka kala socday gobolada Zuirkch-Bern- Lizern iyo Kontn Swiss.

sportiga-zurich-jpg1Ujeeddada kulankaan loo qabtay ayaa  waxa ay ahayd is dhex galka iyo is barashada dhallinta Soomaaliyeed ee Swiss-ka ku nool.

Kulankan  waxaa soo qaban-qaabiyay Guddiga Sportiga iyo is dhexgalka dhallinyaradda ee magaaladda Zürich oo uu hormuud u ahaa Cashar Xasan Cumar.

Kulanka tartankan ayaa waxaa soo qabanqabiyey  Guddi loo xilsaaray waxaana ka mid ahaa:

  • Cashar Xasan Cumar (Gudoomiye)
  • Xasan Sacad (Carbeeto) (Xubin Gudi)
  • Axmed Saalin,(Xubin Gudi)
  • Ciil Tire(Gudoomiyaha ZUG) (Xubin Gudi)
  • Saciid Cali Xidig (KABTAN)Ururiyaha iyo isu keenida dhalinta cayaarta Kubadda.

sportiga-zurich-jpg2Kulankan ciyaareed oo muddo siddeed saac ah socday waxaa ciyartii Finaalka isugu soo baxay labada Koox ee kala ah (FC XAMAASvs FC SOMALI STAR ZÜRICH) waxaan Koobkii ku guuleystay Kooxda FC STAR ZÜRICH.

Ugu dambeentii kulankaani waxaa uu ku soo dhamaaday Asluub wanaag iyo is tixgelin, iyadoo dadweynihii ka soo qeyb galay aad ugu farxeen.

Waxaana Koobkii guddoonsiiyey Guddoomiyaha qabanqaabadais dhexgalka dhalinta Mudane Cashar Xasan Cumar.

SomaliSwiss         Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: