Advertisements

Madaxweynaha cusub ee dalla Gambia xilkiisa loo dhaariyay iyo Jammeh oo aqbalay in uu xilka ka degay.

madaxweyne-adamaMadaxweynaha cusub ee dalla Gambia, Adama Barrow ayaa lagu dhaariyay safaarada Gambia ku leedahay magaalada Dakar ee Senegal.

Mr. Barrow ayaa khudbad uu jeediyey dhaartiisa kadib waxaa uu ka codsaday urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS iyo Qaramada Midoobay inay taageeraan waxa ay doonayaan dadka reer Gambia, ayna gacan ka geystaan sidii dalkaas loogu soo celin lahaa dimoqraadiyada.

Ciidamada Gambia ayuu ugu baaqay in ay joogaan xeryahooda, waxaana uu sheegay kuwa aan joogin xerayaha loo arki doono mucaarad. Madaxweynihii hore ee Gambia Yahye Jammeh ayaa diiday inuu xilka ka dego ka dib markii looga guulaystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas dabayaaqadii sanadkii hore.

Wararkii ugu danbeeyeyi, ciidamada galbeedka Africa ayaa haatan soo buuxinaya  soohdinta dalkaas, wararka qaarna waxay tibaaxayaan in guuto ciidanka Senegal ka tirsan ay galeen dalka Gambia, waxaana la socda ciidamo ka tirsan Gambia oo taageeraya madaxweynaha cusub,sida ay faafiyeen wakaalada wararka caalamka qaarkood.

yaxyeSi kasta ha ahaatee Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yaxya Jammeh ayaa ugu danbeyntii aqbalay in uu xilka isaga dego, kaddib mudo 22 sano ah oo uu soo maamulayay dalkaas.

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa shaaciyay warka ku saabsan in Yaxye Jammeh ogolaaday in uu xukunka wareejiyo, islamarkaana isaga tago gabi ahaanba dalkaasi Gambia, isaga oo warkan soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Go’aanka uu qaatay Yaxye Jammeh ayaa yimid kadib markii uu cadaadi xoog leh kala kulmay dalalka galbeedka Africa oo wacad ku maray in ay adeegsan doonaan awood militari hadii uu ku adkeysto in uu xafiiska sii joogo.

Guuto ka mid ah ciidamada dalka Senegal ayaa ka talaabay xadka Gambia kadib markii lagu dhaariyay gudaha safaaradaha Gambia ee magaalada Dakar ee dalka Seneglow madaxweynaha cusub Adama Barrow.

Inkastoo madaxweyne Jammeh uu markii hore aqbalay natiijada doorashadii la qabtay December sanadkii hore ee looga adkaaday, ayuu mar kale rayigiisa badalay isaga oo sheegay in uusan aqbali doonin natiijada doorashada.

Wixii xiligaan ka danbeeyay dalka Gambia waxaa ka taagnaa qalalaasi siyaasadeed oo qarka u saartay dalkaas in uu ka dhaco dagaal sokeeyo, hasse ahaatee go’aankan danbe ee uu qaatay madaxweynihii hore ayaa noqonaya mid dib u soo celiya rajadii Gambia.

SomaliSwiss      Dakar  

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: