Advertisements

Safiirada J. Carabta oo ku dhawaaqay inay door muuqda ka qaadanayaan gurmadka dadka abaaraha saameeyey.

diblomaasiyiinta-arabKulan muhiim ah oo looga hadlayay xaalada abaarta Soomaaliya oo ay  ka soo qeyb-galeen safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha.

Kulanka ayaa waxaa diiradda  lagu saaray sidii dalalka Carabta ay door muuqda uga qaadan lahaayeen in ay ka qeyb-galayaan kaalmada iyo gurmadka dadka ay abaaraha xooggan saameeyeen.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, isaga oo ugu baaqay ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha. U

gu danbeyntii, Abaarta Soomaaliya ayaa la sheegay in ay saameyn doonto shan Milyan dad ah haddii aanan si dhaqsaha ah looga jawaabin.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: