Advertisements

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sh Axmad oo weeraray Madaxweyne Xassan Sheekh.

Sh. Shariif  AfgooyeMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmad ayaa si  aad ah u weeraray Madaxweyne Xassan Sheekh.

Asagoo khudbad u jeedinaayay dad taageero u ah asaga gudaha caasimada Muqdisho ayaa Shariif Sh Axmad uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku lug yeeshay musuqmaasuq baahsan.

Wuxuu weeraray Madaxweyne Xassan Sheekh durba mar uu dhawaan kasoo laabtay safar dibada ah ayadoo doorashadii madaxweynenimana la saadaalinaayo goor dhow inay dalka ka qabsoonto. Shariif  Sh Axmad ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka hortaagan yahay xilka madaxweynenimo.

Wuxuu sheegay in amniga Soomaaliya uu ka xun yahay sidii uu markii uu xilka wareejiyay uu ahaa. Wuxuu sheegay in iminka xarakada Al-Shabaab ay halis weyn ku tahay dalka.

Wuxuu ku daray in afar sano ka hor markii la doortay  Madaxweyne Xassan Sheekh  uu ballan qaaday adkeynta amniga dalka.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu yiri waagaa dadka Soomaaliyeed inay nabad dareemaan inuu ka shaqeynaayo,

Hada wuxuu sheegay in Muqdisho ay kala xirxiran tahay oo isu socodku xaddidan yahay.

 Wuxuu sheegay in halkudhagga ‘qabyo qofkiisaa dhammaystira’ ee uu Madaxweyne Xassan Sheekh isticmaalo uusan ahayn munaasab uusana u adeegsanayn wixii loogu talo galay.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: