Advertisements

Wafdi ka socda labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray Magaalada Cadaado.

cadaado-jpg2Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta gaaray wafdi ka socda labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya.

War naga soo gaaray magaalada Cadaado ayaa sheegaya in wafdiga gaaray xarunta Galmudug uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa, oo ujeedada socdaalkooda lagu sheegay xal u helida xiisada siyaasadeed ee halkaa ka jirta.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay iska arkaan ama kulamo la qaataan wasiirada iyo xildhibaannada Galmudug, sidoo kalana waxaa ay kulamo la qaadan doonaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.

Odayaasha magaalada Cadaado ayaa ilaa maanta ku howlanaa dadaalo lagu xalinayo xiisadda ka jirta magaalada Cadaado.

Sida laga warqabo maalintii shalay ayeey aheyd markii iska horimaadka ka dhacay degmada ku dhinteen labo askari, waxaana iska horimaadkaa uu salka ku hayay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka jirta Cadaado.

SomaliSwiss       Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: