Advertisements

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Ciidamada Somaliya iyo kuwa AMISOM ay dileen dad badan oo Rayid ah.

Amisom.jpg5.jpgWarbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Ciidamada amniga Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Somalia ay dileen dad gaaraya 92 qof oo Rayid ah afartii bilood ee ugu danbaysay sanadkii tagay ee 2016 ka.

QM waxay warbixinteeda intaas ku dartay in tiradan ay ka badan tahay inta Al-shabaab ay ku dishay gudaha Somalia isla sanadkaas ,isla markaana ay jirto xaalad laga walaaco oo arintan la xiriirta.

Ciidamada Amniga Somalia ayaa la sheegay in ay mas’uul ka yihiin dilka 55 qof oo rayid ah ,halka ciidamada AMISOM ay gacantooda ku dileen 37 qof oo iyagana rayid ahaa sida lagu xusay warbixintan oo ka koobanayd 20 bog.

Qaramada Midoobay oo si guud u dul-martay dilalka ay Al-shabaab ka gaysatay gudaha Somalia sanadkii tagay ayaa tilmaamtay in ciidanka AMISOM ay sidoo kale ku lug leeyihiin tacdiyo ka dhan ah xuquuqul-insaanka.

“Amni darradu waa mid aad u baahsan gudaha Somalia ,Al-shabaab-na  waxa ay  kordhisay weerarada loo adeegsaday qaraxyada si ay qalalaaso u abuurto inta doorashada lagu jiro” ayaa lagu yiri warbixinta .

“Bartamaha iyo Koonfurta Somalia waxa ay Al-shabaab keentay ciidamo iyaga u dagaalama si ay u kordhiyaan weerarada ka dhanka ah dowladda iyo waliba ciidamada AMISOM “ ayaa mar kale lagu yiri warbxintan oo aad u dheerayd.

Ugu danbayn, bixin la’aanta mushaarka ciidamada ayaa la sheegay in ay qayb-weyn ka qaadatay amni darrada ka jirta gudaha Somalia ,iyadoo in ka badan 13 bilood aan mushaar la siin ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan gudaha dalka.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: