Advertisements

Xaaladda magaalada Cadaado oo maanta iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada Nabad-sugida iyo Booliiska.

galmudugXaaladda magaalada Cadaado ayaa haatan degan, kadib markii iska horimaad subaxnimadii hore ee saaakay halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan nabad-sugida iyo booliiska dowlad gobolleedka Galmudug.

cadaado-jpg1Wararkii ugu danbeeyay ee halkaa naga soo gaaraya ayaa sheegaya in iska horimaadka saakay dhacay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray, waxaana jira dadaallo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka degmada oo laga xalinayo xiisada colaadeed ee halkaa ka jirta.

Ciidamada sugida oo saakay weerar ku qaaday xarunta Badbaado oo ay ku shiraan xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed, ayaa lagu waramayaa in ay dib uga baxeen xaruntii ay weerarka ku qaadeen oo ay ku sugan yihiin ciidamada booliiska.

Ugu danbeyntii, xiisada siyaasadeed ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa u muuqata mid gaartay heerkeedii ugu sareeyay kadib iska horimaadkii saakay dhacay.

SomaliSwiss       Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: