Advertisements

Ciidamada Nabad-sugida Qaranka oo gacanta ku dhigay dad daabacaya lacago been abuur oo Dollar ah.

lacag-been-ah-jpg1Ciidamada Nabad-sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay dad sida la shegay ku howlanaa daabacaada lacago doolar been abuur ah.

 lacag-been-ahCiidamada NISA ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay ku qabteen warshad lagu farsameeyo doolarka been abuurka ah iyo dadkii ku howlanaa.

Ciidamada NISA ayaa baaritaanka waxay ka sameeyeen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana guri ku yaala degmadaasi ka qabteen warshad lagu dhaqo doolarka been abuurka ah.

Wakaalada wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in lix ruux oo loo soo qabtay falkaasi xabsiga ay dhigeen ciidamada NISA. T

aliska NISA ayaa sheegay in howlgalkaasi inta uu socday hal askari uu ku dhintay, balse lagu guuleystay in lasoo qabto warshada doolarka lagu dhaqo iyo dadkii falkaasi ku howlanaa.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka, in ciidamada NISA ay habeenadii ugu dambeeyay howlgalo baaritaano ah ka sameynayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: