Advertisements

Munaasabad lagu xusayey sanad guuradii weerarkii cuslaa ee Al-shabaab deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo.

al-shabaab-jpg5Munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii ka soo wareegtay weerarkii cuslaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig militari oo ay Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo, ayaa waxaa ka qeyb-galay 400 oo qoys oo intooda badan lagu dilay weerarka dad ay isku qoys ka soo jeedeen.

 al-shabaab-jpg6Munaasabada oo ka dhacday gudaha dalka Kenya ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-gallay qaar kamid ah askartii ka badbaaday weerarkii sanad ka hor ka dhacay saldhiga deegaanka Ceel-cadde.

Mid ka mid ah saraakiishii ka badbaday weerarka ayaa sheegay tirada askarta lagu dilay deegaanka Ceel-cadde. 13 askari ayuu sheegay in Al-shabaab dagaalka ku qabteen iyaga oo nool, halka 173 askarina ay ku dhinteen weerarka sida uu hadalka u dhigay sarkaalka.

Waa markii ugu horeysay oo xubno ka tirsan dowladda Kenya laga helaa xog la xiriirta askarta kaga dhimatay weerarkii sanad ka hor Al-shabaab ka geysteen deegaanka Ceel-Cadde.

Ugu danbeyntii, wararkii Ceelcade ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee lagu bartilmaameesado saldhig ay degan yihiin ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa,

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: