Advertisements

Magaalada Muqdisho oo ka socda kulamo hoosaadyo iyo isbahaysi Siyaasadeed.

xildhibaanada-cusub-png1Doorashadii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya kadib, waxaa si xowli ah magaalada Muqdisho uga soconaya kulamo hoosaadyo iyo shirar ay leeyihiin xildhibaannada baarlmaanka Soomaaliya oo u diyaargaroobaya doorashada madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo bartamaha bishan.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig oo dhawaan looga adkaaday doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro is baheysi  isbadal doon ah oo ay sameynayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay doonaya in la helo hogaanka cusub oo badala kan hada jira.

‘’ In xildhibaannadu is badal doon yihiin waxaa laga garan karaa sida ay u wajaheen doorashadii ugu danbeysay ee guddoomiye ku-xigeennada baarlamanka’’ sidaa daraadeed mar haddii guddookii barlamaanka is badal ku dhacay, sidoo kale waa in hogaanka sare ee dalka sidoo kale isbadalku saameeyaa’’ ayuu yiri C/rashiid.

Xidig ayaa sheegay in tiro ka badan 90 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya u midoobeen sida uu hadalka u dhigay ka miro dhalinta in hogaam cusub dalka loo helo.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirar iyo kulamo aan kala joogsi laheyn oo ay yeellanayaan xildhibaannada baarlamaanka, musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo siyaasiyiin si dadban ugu lug leh doorashada madaxweynaha, oo koox walbana marka la eego xusul duub adag uu jirta sidii ay uga miro dhalin laheyd doonisteeda siyaasadeed mar la gaaro doorashada madaxweynaha.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: