Advertisements

Tartankii Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo ku guuleystay C/wali Muudey.

muudeyGuddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in wareega labaad ee doorashada u wada gudbi doonaan C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.

baarlamaanka-cusub-png4Waxaa ka tanaasulay wareega labaad in ay u gudbaan xildhibaan  Khadiijo Max’ed Diiriye iyo xildhibaan Saciid Xusseen Ciid oo labadaba sheegay in ay ka harayaan wareega labaad ee doorashada.

baarlamaanka-cusub-png3Doorashada wareega labaad ayaa noqon doonta mid aad u adag oo siweyn isha looga wada hayo, madaama C/wali Sheekh Muudeey oo helay wareegii hore codad gaaraya 111, halka xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir uu helay codad gaaraya 94 cod, waxaana muuqata in labada xildhibaan ilaa iyo hadda uu u dhaxeeyo farqi dhan 17 cod oo kaliya.

Ugu danbeyntii, guddoomiye ku-xigeennada labaad waxaa isugu soo haray oo u gudbaya wareega labaad Mahad C/dalla Cawad iyo C/qaadir Sheekh Baqdaadi.

Hasse ahaatee doorashada sida weyn isha loogu wada hayo ayaa ah tan guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku tartamayaan C/wali Sheekh Muudeey iyo Faarax Sheekh C/qaadir

baarlamaanka-cusub-png1Doorashadan oo aheyd mid aad u adag ayaa ugu danbeyntii waxaa ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, halka ku-xigeenka labaad loo doortay Mahad Cabdalla Cawad oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii labaaad baarlamaankii 9 aad ee kan ka horeeyay, taasoo macnaheedu yahay in mar kale uu dib ugu guuleystay xilkii uu horay u hayay.

C/wali Sheekh Muudeey ayaa wareegii labaad ee doorashada ka adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir,  halka Mahad C/wali Cawad uu ka adkaaday musaharixii la tartamayay ee C/qaadir Sheekh Baqdaadi.

Doorashada maanta ka dhacday xarunta gollaha shacabka oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa lagu soo dhameystiray guddoonka baarlamaanka, waxaana wixii hadda ka danbeeyana la guda-gali doonaa qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: