Waxaa la soo gabagabeeyay tirada codadka wareegii koowaad ee doorashada oo ay ku tartamayeen ilaa afar musharax.
Guddiga doorashada Baarlamaanka federaalka ee dalka ayaa ku dhawaaqay doorashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka in uu ku guuleystay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey u soo qabtay xilkan afartii sano ee la soo dhaafay.
Tirinta codadka doorashada ayaa musharxiinta afarta qof ee xilkan ku tartamayay waxa ay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.
Guud ahaan tirada codeysay ayaa ah 259, halka labo cod oo ka mid ah ay xumaadeen.
Hadaba waxaa ay musharixiinta codadka u kala helleen sidan :
- Pror Max’ed Cismaan Jawaari  oo helay 141 cod.
b·        C/rashiid Max’ed Xidig  oo helay 97 cod.
c·        C/fitaax Max’ed Geeseey oo helay 17 cod.
d·        Idir Aadan Dhakhtar oo helay 2 cod.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar ayaa markale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka 10aad ee dalka, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay ee mar labaad ku guuleysta tartanka guddoonka baarlamaanka oo markale dib loo doorto.
SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |