Advertisements

Qarax caawa ka dhacay isgoyska Tarbunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

qarax-jpg21Waxaa caawa qarax ka dhacay goob maqaayad ah oo ku taala isgoyska Tarbunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inta la og-yahay ku dhimatay sadex ruux iyo 17 qof kale oo ka mid ahaa dadkii u sugnaa maqaayadana dhaawacyo kala duwan, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay dadkii goobtaas ka agdhawaa oo u gurmaday markii uu qaraxa dhacay kadib.

Dadka ku dhantay qaraxyada waxaa ka mid ah ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo wali ay soo baxayaan warar kala duwan oo la xiriira sida ay qaraxyadan u dhaceen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ka dhasheen bambooyin kuwa gacanta ah, halka warar kalena ay sheegayaan inay ka dhasheen walxaha qarxa oo halkaasi lagu aasay.

Ugu danbeyntii, maqaayadda la beegsaday ayaa la sheegay inay fadhiistaan ciidamada dawladda Soomaaliya, waxaana jirtay rasaas la maqlay kadib markii ay qarxyada dhaceen.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: