Advertisements

Ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyey in ay ku dileen dulleedka degmada Baraawe labo wiil oo walaalo ah.

amisom-jpg5Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ayaa ku eedeynaya ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM in ay ku dileen meel dulleedka ka ah degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose  labo wiil oo walaalo ahaa.

Ruqiyo Xassan Nuur oo ka mid ah xildhibaannada maamulka K/galbeed ayaa warbaahinta u sheegtay in ciidamada AMISOM si ula kaca ah u dileen C/raxmaan Xassan oo 17 sano jir ah aha Cabdi Xassan oo 15 sano jir ah kuwaa oo ka soo jeeday hal qoys.

Ruqiyo, waxaa ay intaa ku dartay in dilka ka dib arintan wax jawaab ah ka bixin saraakiisha ciidamada AMISOM, iyada oo dalabtay in lala xisaabto.

Ma jiro wax war ah oo eedeynta loo soo jeediyay ay ka soo saareen saraakiisha howlgalka midowga Africa AMISOM.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ciidamada AMISOM lagu eedeeyo dacadiyo ay u geystaan dadka shacabka ah gaar ahaan dilalka oo ku badan gobolka Sh/hoose.

SomaliSwiss       Baraawe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: