Advertisements

Wakiilka xog-hayaha guud ee QM Mr. Micheal Keating oo maanta socdaalka ku tagay magaalada Beledweyne.

michael-keating-jpg1Wakiilka xog-hayaha guud ee QM Micheal Keating oo maanta socdaalka ku tagay magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan la qaatay, madaxda dowlad gobolleedka Hirshabeelle, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo ururada bulshada rayidka.

michael-keating-jpg3Gaar ahaan Micheal Keating ayaa kulan warbaahinta dibad joog ka aheyd la yeeshay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo aan faah faahin badan laga heyn dhab ahaan wax yaabaha ay ka wada hadleen.

Hasse ahaatee, ilo xog ogaal ah oo kulanka ku dhaw dhaw ayaa inoo sheegay in Micheal Keating iyo Ugaas Xassan isla soo qaateen siyaasada ku wajahan dhismaha maamulka Hirshabeelle oo siweyn uu uga biyo diidaan Ugaaska iyo arimo la xiriira abaarta ka jirta qeybo ka mid ah gobolka.

Micheal Keating ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay mar walba in ay dhameystaan arimaha dhaxdooda ah,  si loo gaaro ayuu yiri nabad iyo hormar.

Kulan markii danbe dhaxmaray wafdiga Micheal Keating iyo ururada bulshada rayidka ah gobolka Hiiraan ayaa looga wada hadlay sida ugu fudud ee loo caawin karo dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolka,  waxaana leysku afgartay kulankaas in si wada jir ah looga wada shaqeeyo gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

QM ayuu sheegay in ay qaadan doonaan doorkooda ku aadan sidii loo gargaari lahaa dadka abaarta saameysay, laakiin taa badalkeeda bulshada looga baahan yahay dhaxdooda is caawiyaan.

Ugu danbeyntii,  Micheal Keating ayaa booqday suuqa lagu iibsado xoolaha ee xaafadda Xaawo-Taako, isaga oo ganacsatada ka xog-wareystay qiimaha la kala siisto Ariga, waxaana jira xiligan qiimo dhac weyn oo ku yimid guud ahaanba xoolaha sababo la xiriira abaarta jirta awgeed.

SomaliSwiss          Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail-com

Advertisements
%d bloggers like this: