Advertisements

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeynayaan qabashada codsiyada Tartanka guddoonka Baarlamaanka.

Gbaarlamaanka-jpg12uddiga qabanqaabada doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gabagabeeyaan qabashada codsiyada guddoonka baarlamaanka sida uu horay u sheegay guddoomiyaha gudiga.

Ilaa galinka hore ee maanta ayaa la filayaa in ay codsiyadooda soo gudbiyaan musharixiin cusub oo u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Musharixiinta ilaa iyo hadda la og-yahay in ay u taagan yihiin xilka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa mid ah guddoomiyihii hore  Prof Max’ed Cismaan Jawaari,  C/rashiid Max’ed Xidig iyo waliba Idir Aadan Dhaqtar.

Musharixiinta ugu badan ee la la filayo in maanta la qabto codsiyadooda ayaa isku soo taagi doona xilalka ku-xigeennada koowaad iyo labaad  oo  ay u sharaxan yihiin  tiro ka badan inta hada isku soo taagtay  xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay dhacdo 11ka bishan Janaayo iyadoo ay gaari karto illaa iyo 12ka Bishan Janaayo 2017.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail-com

Advertisements
%d bloggers like this: