Advertisements

Qarax Saakay ka dhacay garaash ku dhow xarunta hay’adda UNDP oo dhaawacyo culus geystay.

km4-jpg2Qarax sida la sheegay gaari lagu xiray ayaa ka dhacay gudaha garaash gadiidka la dhigto meel aan ka fogeyn xarunta hay’adda UNDP,  kaa oo sababay dhaawaca ilaa afar ruux.

km4-jpg1Gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa lagu waramayaa in uu xalay ku baryay gudaha garaashka, hasse ahaatee saakay ayaa la maqlay qaraxa oo loo maleynayo in lagu xiray gaariga.

Saraakiil ka tirsan ilaalada hay’adda UNDP ayaa sheegay in afarta ruux ee dhaawacmay ka tirsanaayeen shaqaalaha hay’adda .

Goobjoogayaaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga uu ahaa nooca  HILUX oo Soomaalida u taqaan Qooqan.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in ilaalada xarunta hay’adda UNDP la wareegeen garaashka uu qaraxa ka dhacay, waxaana  jira dad la tuhunsan yahay oo loo soo xiray qaraxan.

Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya mid ka mid ah gadiidka hay’adda UNDP oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qarxiyay gudaha garaash ku yaala xarunta hay’adda.

Qaraxa oo ahaa mid gaariga lagu dhajiyay ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah ilaalada xarunta hay’adda UNDP, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa taliyihii ciidamada Soomaalida ah ee qeybta ka ah ilaalida xarunta.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa soo xir xiray dad lagu tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen qaraxa, kuwaa oo la weydiiyo waxa ay kala socdaan ama ka ogyihiin qaraxa gaariga lagu xiray.

Ugu danbeyntii, xarunta hay’adda UNDP ayaa ka mid ah xarumaha sida weyn loo ilaaliyo, inkastoo mar lagu qaaday weerar ismiidaamin ahaa oo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab gudaha u galleen xarunta –

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: