Advertisements

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay hawlaha u qabsoomay dawladiisa iyo hawlaha qabyada u ah …

Maalinta  1da MaajoMadaxweyne Xassan Sheekh ayaa ka hadlay hawlaha u qabsoomay dawladiisa iyo hawlaha qabyada u ah ee ay dhammaystiri doonto hadii dib asaga loo soo doorto.

Munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho ayuu Madaxweyne Xassan Sheekh ugaga faallooday arinkaa. Khudbad aad u dheer oo uu halkaa ka jeediyay xalay ayaa arinkaa uu ku niqaashay Madaxweyne Xassan Sheekh.

‘In badan oo ka mid ahaa ayaan wali noo dhammays tirmin oo noo qabyo ah. 4 sano ka dib waxaa inoo muuqda in hawlihii aanu bilownay ay in badan qabyo yihiin. Waxayna mudan yihiin inaan dhammaystirno. Hadaan tusaale usoo qaato arimaha u baahan in si dagdag ah loogu hawlgalo oo la dhammaystiro ayadoo aanu hakad galin waa xasilinta dalka iyo adkeynta nabad galyada oo hada meel fiican maraya’. Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sidaa yiri.

‘Sidaan horay u sheegnay hawlo badan oo qabyo ah ayaa jira sida xoreynta deegaanada wali ku harsan gacanta nabad diidka, hirgalinta qorshaha amniga qaranka, iyo isku dhafka ciidanka qeybihiisa kala duwan. 3 hub ka dhigidda maleeshiyaadka iyo dhaqan celintooda iyo dib ula mideynta bulshada; waa hawl weyn oo inooga baahan in la dhammaystiro’. Intaa ayuu raaciyay.

Sidoo kale ayaa waxaa Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka hadlay in hadii dib loo soo doorto dawladiisu ay aad wax uga qaban doonto musuqmaasuqa  iyo ku takrifalidda awoodda.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in qorshe lagu diyaarinaayo hayad la dagaalanta musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda uu diyaarintiisu meel gabogabo ah u marayo.

Wuxuu Madaxweyne Xassan Sheekh sheegay in dadaal ka dhan ah dhibaatooyinkaa oon cabsi lahayn ay dawladiisu bilaabi doonto hadii dib loo soo doorto.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: